Latest News

Alshabaab Oo Dilay Mijir Masri Ah Oo La Socday Diyaaradii Shalay Dhex Fadhiisatay Deegaanka Galguduud Ee Ay Xukumaan.

Galguduud,December 11,2024(Haatufonline)- Ilo xogogaal ah oo ku dhaw dhaw shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa Haatufonline u xaqiijiyey geerida Sarkaal Masri ah oo la socday diyaarad Helikobtar ah oo shalay dhex fadhiisatay deegaan ay haystaan kooxda Alshabaab oo ku yaala gobolka Galguduud ee Somalia.Sarkaalkan oo Mijir lagu sheegay darajadiisa ciidan ayaa markii ay diyaaraddu soo fadhiisatay diiday in la kaxeeyo waxaanu baastoolad madaxa kaga toogtay mid ka mid ah askarta Alshabaab taasoo keentay in Alshabaabku ay isagana toogtaan oo goobtii ku dilaan.Waxa kale oo ay AlShabaabku nolol ku kaxaysteen sarkaal kale oo Masri ah oo isaguna diyaaradda la socday iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Somalia oon tiradooda wali la sheegin.
Labada sarkaal ee Masaarida ah ayaa ka tirsana wafdii milatariga Masar ka socday oo Somalia u yimid arimo ciidan iyo waliba inay soo sahamiyaan goobta ku haboon inay ka samaystaan saldhig milatari oo ka hawlgala Somalia.Wafdigan oo ay ka mid ahaayeen laba Janaraal ayaa intoodii kale ay doraad ka dhoofeen Muqdisho iyadoo labada sarkaal ee kale ay hawlo milatari u reebeen.

Qaramada Midoobay ayaa qiratay inay iyagu lahaayeen diyaaradda Alshabaabka u gacan gashay hasayeeshee wax tafaasiil ah kamay bixinin sababta ay diyaaradu u fadhiisatay meel ay Alshabaab ay gacanta ku hayso iyo rakaabka la socoday cidda ay kala ahaayeen toona.
Waxa kale oo qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka ay diyaaraddu fadhiisatay noo sheegeen inay sidday rasaas iyo qoryo fudud.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*