Latest News

Dalalka Badda Cas Maxay U Eeganayaan Nabadgelyo Xumada Ka Dilaacday Baabul Mandeb

Haatufonline,January 10,2024

Nabadgelyo xumadii ka dilaacday Badda Cas gaar ahaan marinka ku yaala ee Baabal Mandeb kadib markii uu bilaabmay dagaalka Qaza dabayaaqadii bishii October 2023, ayaa noqotay mid ilaa maanta taagan oo waliba markasta kasii daraysa,waxaana la yaab leh in mushkiladaasi sida xun u saamaysay dhaqaalihii aduunka ilaa hadda la maarayn kari la’yahay.
Maraakiibta isticmaasha Qooriga Suways iyo Badda Cas ee Yurub,Asiya iyo Afrika u kala qaadda badeecadaha iyo shidaalka ayaa waxa khasab ku ahayd inay maraan Baabal Mandeb kasoo u dhaxeeya biyaha Yaman iyo Djibouti .Hasayeeshee ammaan xumadda ka dhalatay weerarada ay Xuutiyiintu ku hayaan gayigaasi,waxay noqotay in maraakiib badani ay iskaga leexdaan isticmaalkii Badda Cas waxaanay hadda markay u socdaan Yurub ama Asiya kasoo wareegaan cidhifka ugu hooseeya qaaradda Afrika oo ku yaal dalka Koonfur Afrika taasoo ah waddo dheer oo ka kharashbadan kii Badda Cas iyo Qooriga Suways.Maraakiibta wali isticmaasha Badda Cas waxa qudhideeda ku kordhay qiimihii caymiska .Dhammaan kharashyada kordhay ayaa aakhirka fuulaya macaamiisha iyo dadwaynaha.

Dawladaha ku yaal Badda Cas waxay diideen inay kasoo qaybgalaan Isbahaysi ciidan badeed ah oo u xilsaaran waxa-ka- qabashada arintan taasoo uu Maraykanku ku baaqay in la sameeyo.Laakiin dawladaha Badda Cas iskuma jiraane, ammaan xumadi baddu waxayay durtaba si xun u saamaysay dhaqaalaha dalalka ku yaala galbeedka Badda Cas sida Masar oo $10 milyaaar sanadkii ka heli jirtay Qooriga Suways,Sudan,Eritrea iyo Djibouti. Haba diidaane waxa la iswaydiinaya sababta ay iyagu isku bahaysan waayeen ee ay wax uga qaban la’yihiin ammaandarada ay Xuutiyiintu ku hayaan maraakiibta isticmaasha Badda Cas ee la wada leeyahay.Midda kale dalka wayn ee Shiinaha ayaa isna ka maquurtay wax-ka-qabashada arintan khalkhalka ku ridday dhaqaalihìi calaamka oo waxay ahayd hadiiba uu diidanaa inuu ka qaybgalo isbahaysiga ciidan badeed ee cusub ee uu hogaaminayo Maraykanku inuu kolkaas dawladaha Badda Cas la sameeyo iskaashi ay ku wada hawlgalaan oo lagu sugayo ammaanka maraakiibta ama uu kalidiiba ka hawlgalo wax ka qabashada mushkiladdan.Hasayeeshee Shiinuhu labadaad midna ma samaynin,waana arin la yaab leh in dawladaha Badda Cas iyo Shiinuhu ay daawadaan waxa marinka Baabal Mandeb ka dhacaya oo aanay wax ka qabanin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*