Latest News

Budhcadbadeed Markab Ka Afduubay Badwaynta Ku Beegan Muqdisho.

Cadan,March 12,2024(Haatufonline) – Budhcad badeed Soomaali ah ayaa maanta markab ka afduubay biyaha badwaynta Hindiya ee ku beegan caasimadda Somalia ee Muqdisho.
Warkan oo laga soo xigtay ciidanka Ingiriisk ayaa waxa lagu sheegay in budhcad badeed wadata laash iyo dooni ay gacanta ku dhigeen markabkan oo markii hore kasoo ambabaxay dalka Mozambique kuna socday Imaaraatka.
Warar dheeraad ah oo arintan ku saabsan ayaa waxay sheegayaan in shaqaalihi markabka ay budhcad badeedu madaxfurasho u kaxaysteen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*