Latest News

Guddida Farsamo Ee Heshiiska Isfaham (MOU) ee Somaliland iyo Ethiopia Oo Safar Ku Tagay Xeebta Galbeed Dalka.

Lughaya, March 11, 2024 (Haatufonline) – Guddida Farsamo ee Somaliland u qaabilsan Heshiiska Isfaham (MOU) ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ethiopia, ayaa safar ku tagay Xeebta galbeed ee dalka iyo qaar ka mid ah magaalooyinka Gobolka Awdal.

Guddiga Farsamada heshiiska Isfaham, waxay Sabtidii toddobaadkan (9 March) safar ku tageen magaalada Lughaya oo ay ka sameeyeen indho-indhayn iyo xog-ururin, iyagoo la kulmay odayaasha iyo qaybo ka mid ah bulshada oo ay la yeesheen xog-waraysi.Sidoo kale, Guddidu waxay maalintii Axaddii booqdeen magaalooyinka Boorama iyo Dila ee Gobolka Awdal, halkaas oo ay kulamo kula qaateen odayaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada ku dhaqan magaalooyinkaasi, kuwaas oo ay warbixinno ka siiyeen hawsha shaqadooda ee la xidhiidha heshiiskii isfaham ee 1dii January 2024 dhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Itoobiya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*