Latest News

Qaar Ka Mid Ah Maamuleyaashii Dhaqaalaha Alshabaab ee Xayiraadda La Saaray Oo Noqday Gacanyareyaashi Mulkiilaha Zaad Iyo Salama Bank

Haatufonline March 13,2024

Liiska ay soo saartay wasaaradda Maaliyadda Maraykanku 11/3/2024 ee ku saabsan xayiraad ay dawladda Maraykanku kusoo saareen 16 qof iyo meheradood taakulayn maaliyadeed oo ay u maamuli jireen una fidin jireen ururka argagixisada ah ee Alshabaab darteed ayaa waxa ku jira qaar ka mid ah gacanyareyaashii ugu dhawaa ee Guddoomiyaha Hormood Axmed Nuur Jimcaale.
Waxa ka mid ah Faysal Yusuf Diini oo bishii January lagu qabtay madaarka Nairobi ka dib markii baadhitaan lagu ogaaday inuu lug ku lahaa hawlo argagixisonimo ah oo laga fuliyey Bariga Afrika sida qaraxyadii loo geystay safaaradaha Maraykanka ee Nairobi iyo Daarasalaam bishi August 1998 ee ay ku dhinteen 224 qof isla markaana ku dhaawcmeen in ka badan 4500 qof.
Waxa kale oo ka mid ah Maxamed Jimcaale Cali(Cawaale) oo ay Faysal ka wada shaqayn jireen maamulidda shirkadaha Alshabaab laga maal galiyo sida shirkadda basaska ee Kenya ka hawlgashala ee la yidhaa Crown Bus Services.
Shabakadda curinta,ururinta iyo maamulidda dhaqaalaha Alshabaab ayaa waxa warbixinta Maraykanku sheegtay inay inta badan ku shaqaysan jireen magacyada laba shirkadood oo la kala yidhaa Haleel Group iyo Qimat Al-Najaax oo xadhkahoodu daadsanyihiin min Jasiiradda Qubrus ilaa Imaaraatka,Kenya iyo Uganda.
Gacayareyaasha Axmed Nuur Jimcaale ee xayiraadda la saaray waxa kale oo ka mid ah Maxamed Cartan Rooble oo fadhigiisu yahay Dubay halkaasoo uu wax ka maamulo lacag maydhista loo soo meeyo dhaqaalaha kasoo baxa Haleel Group.
Axmed Nuur Jimcasle oo kasoo jeeda dalka Somalia ayaa ah mulkiilaha nidaamka lacagta telefoonada Somaliland la isugu diro ee Zaad iyo bankiga Salaama iyo hawlo kale oo ganacsi oo Somaliland ugu socda. Sida uu Maraykanku sheegay waxa xayiraad la saari doonaa dhamaan lacagaha iyo hantida ay askhaasta cunoqabataynta la saaray ku leeyihiin dalka Maraykanka.
Dhinaca kale waxa la sheegayaa in baadhitaankii Haleel Group iyo Qematal Al-Najaax uu soo galay mid ka mid maalqabeenada ugu tunka wayn Somaliland inkastoo aan xayiraadda lagu soo darin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*