Latest News

Budhcadbadeeda Somalia Oo Markab Ay Afduubeen Hadda U Isticmaalaya Budhcadnimo.

Eyl,March15,2024(Haatufonline) – Budhacad badeeda Somalia ayaa markab ay afduubeen bishii December 2023 haatan u isticmaalaya hawlo budhcadbadeednimo ah. Markabkan oo magaciisa la yidhaahdo Ruen oo laga leeyahay dalka Bulgaria ayaa ku xidhnaa meel ku dhaw tuulo xeebeedka Eyl ee Somalia hasayeeshee ka dib markii u mulkiilihi Ruen diiday inuu bixiyo madaxfurashadi ay budhcadbadeedu dalbadeen ayaa waxay budhacad badeedi 2 todobaad ka hor markabkii ku rareen laashash yar yar waxaanay u kaxaysteen dhinaca gudaha Badwaynta Hindiya.
Budhcadbadeeda hubaysan oo markabka Ruen ka dhiganaya Saldhig ayaa laashashka yar yar u adeegsanaya soo qafaalashada maraakiibta badda maraysa waxaanay durtaba todobaadki hore kusoo qabsadeen markab laga leeyahay Bangladesh oo dhuxusha dhulka laga qodo kasoo qaaday dalka Mozambique kuna socday Dubay.

Dhimaca ksle sharikadda Ambrey Analytics ee ururisa wararka xaaladaha nabadgelyo re ka jira marinada badaha ayaa ka digtay kooxo budhcad badeed ah oo kasoo baxay meelo ku yaala xeebaha Somalia oo ay ka midyihiin Eyl iyo Hobyo oo kusoo waajahan Badwaynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*