Latest News

Maraykanka Oo Djibouti Ku Caawinaya Laba Diyaaradood Oo Sahanka Loo Isticmaalo

Wichita,Kansas,USA,March 16,2024(Haatufonline) – Shirkadda diyaaradaha samaysa ee magaceeda la yidhaa Textron Aviation ayaa waxay gacanta ku haysa samaynta laba diyaaradood oo Cessna Grand Caravan Ex ah oo ay dawladda Maraykanku ku caawinayso ciidanka cirka ee dalka Djibouti.
Labada diyaaradood oo ay dawldda Maraykanku samayntooda qandaraas ku siisay shirkadda Textron ayaa waxay midkiiba qaadaa 14 rakaab ah iyo laba duuliye,waxaana loogu talo-galo in lagu sahamiyo amniga xuduudaha bariga iyo badda ee dalka taasoo la filayo inay si wayn uga caawiso Djibouti.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*