Latest News

Fiqi Oo Qamadigii Ruushka U Xaraashaya Wafdi Reer Laascaanood Ah Oo Hudheelo Loo Haysto

Laascaanood,March 14,2024(Haatufonline) -Wafdi ka kooban 15 qof oo uu wasiirka Arimaha Gudaha Somalia Axmed Fiqi ku casuumay inay kasoo qaybgalaan shir Xamar loogu qabtay dawladaha hoose ee maamul goboleedyada Somalia ayaa wali ku cadilan halkaa ka dib markii loo qabsaday kiradii hotelkii ay daganaayeen isla markaana ay waayeen kharash ay Muqdisho kaga soo ambabaxaan.
Siday dad ku sugan Laascasnood ay noo sheegeen,Fiqi ayaa wasaaradda Maaliyadda u qoray warqad u lacag ugu dalbanayo wafdiga balse ay wasaaraddaasi diiday codsigii Fiqi maa daama kharashka miisaaniyadda ku jiraa uu ku koobanyahay dawladaha hoose ee dawladaha federaalka iyadoo ay Fiqi u shigeen inuu kharashka u dalbaday ka bixiyo lacagta wasaaraddisa ugu jirta Miisaaniyadda balse ay arintaasi Fiqi la noqon wayday.
Hadaba xubno ka tirsan wafdiga Xamar ku cadilan oo la soo hadlay dad ku sugan Laascaanood ayaa sheegay in wasiir Fiqi uu xaraashi doono Qamadi uu Ruushku dhawaan ugu deeqay Somalia oo uu kharashka kasoo baxa ku bixin doono lacagta hotel-ka iyo ambabaxoodaba.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*