Latest News

Cashuurta Alshaaab Oo Loo Soo Wareejiyey Somtel-Wajaaale Kadib Markii Uu Sirdoona Somalia Cidhiidhi Xamar Ku Saaray.

Wajaale,October 29,2023(Haatufonline) – Kooxda Alshabaab ayaa haatan isticmaasha xisaabo uga furan E-dahab( Somtel) iyo Zaad (Hormood) oo lagu soo shubo sim card-yo ay leeyihiin niman ka yimaadda Jigjiga oo wakiil ka ah Alshabaab isla markaana ay wada shaqaystaan qaar ka midd ah sarifleyaasha Wajaale.
Kadib markii ay Sirdoonka Somalia ay cidhiidhi xooggan saareen lacagaha baadda ah ee ganacsatada Somalia siin jireen Argagixisada xisaabo badanna ka xidheen ayaa waxay Alshabaab u wareegeen inay isticmaalaan lambaro ka furan Somaliland oo lacagtaasi loogu soo shubo iyadoo lagu soo hagaajiyo wakiilo Jigjiga jooga oo yimaada Wajaale si ay ugala wareegaan sarifleyaal Wajaale ku sugan oo lacagta Somalia laga soo diray marka hore kusoo dhacdo.

Nidaamka Zaadka/ Hormood waxay shirkada lehi yaraysay lacagta lagu shuban karo hase yeeshee lacagta Edahab/Somtel lagu shuban karo oon xadi lahayn awgeed ayaa waxay Alshabaab inta badan hadda isticmaalaan nidaamka E-dahab ee ay usoo maraan Wajaale.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*