Latest News

Real Madrid Oo 2-1 Ku Dubatay Barcelona

Ciyaar ku dhexmartay labada kooxood ee aadka u xifaaltaha ee Barcelona iyo Real Madrid waxa ay ku dhamaatay Laba Gool iyo Hal ay ku Badisay Real.
Ciyaaryahanka Jude Bellingham ayaa daqiiqadii 92-aad dhaliyay goolka bar-baraha isagoo sidoo kale iyaga oo dhaliyay goolka guusha isaga oo ka caawiyay Real Madrid in ay guul ka gaarto kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona kulankiisii ugu horeeyay ee El Clasico.
I. Gundogan ayaa goolkii ugu horeeyay ee Barca u dhaliyay kooxda martida loo ahaa lix daqiiqo kadib.
Balse Bellingham ayaa daqiiqadii 68-aad kubad cajiib ah ku garaacay goolka, isaga oo ka helay koornada sare ee goolka u jirta 30 yards.
Laacibka khadka dhexe ee England ayaa markaas shabaqa soo taabtay waqtigii dhaawaca si uu u sii wato sheekadiisa ku bilaabatay xirfadiisa Real.
Bellingham, oo 20 jir ah, ayaa hadda dhaliyay 14 gool 16 kulan oo uu u saftay koox iyo wadan xilli ciyaareedkan.
Guusha Los Blancos ayaa la macno ah in ay Girona ka sare martay farqiga goolasha iyaga oo ku haya hogaanka horyaalka La Liga iyaga oo 4 dhibcood ka sareeya kooxda Barcelona oo ku jirta kaalinta 3-aad.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*