Latest News

Caymiskii Oo Lagala Noqonayo Maraakiibta Marta Koonfurta Badda Cas Laga Bilaabo 20ka Bishan.

Gaadiidka mara koonfurta Badda Cas (Eritrea,WaqooyigaYaman iyo Djibouti), Gacanka Cadmeed (Koonfurta Yaman iyo Somaliland) iyo waliba biyaha Badwaynta Hindiya ee ku dherarsan dhamaan xeebta dalka Somalia ayaa laga bilaabo 20 February 2024 lagala noqonaya caymiiskii goobaha dagaalka ee ay hore u haysteen.
War ay todobaadkan soo saareen qaar ka mid ah shirkadaha wax sii kala caymiya(reinsurance companies) ayaa waxay ku sheegeen in qalalaasha iyo colaadaha ka jira koonfurta Badda Cas iyo agagaarkeeda darteed ay maraakiibtii isticmaalaysay biyaha gayigaasi ay dib ugala noqonayaan caymiskii ay hore u siiyeen intii aanay xasaraddu ka bilaabmin iyadoo ay ka caymisnaayeen hadiiba uu dagaal lama filaan ahi ku dhaco balse hadda la ogyahayba in dagaal ka socdo biyihii badda ee ay caymiska ugu jireen.

Dhaqaalaha iyo maceeshadda dalalka uu go’aankani khuseeyo ayaa la saadaalinaya in mudarro weyni kasoo gaadho arintan iyadoo laga cabsi qabo inay aad u yaraadaan tirada maraakiibta imaanaya dekadaha dalalkaasii ku yaala isla markaana uu raashinku ku qaaligaroobo dadyowga ku nool amaba ay cunto yaraani kaba dhacdo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*