Latest News

Shirkii Kismaayo:Ogaadeen Iyo Xasan Sheekh Oo Iska Bahaystay Majeerteen Iyo Farmaajo

Nairobi,February 15,2024(Haatufonline) – Xogo lagu kalsoonyahay oo ku saabsan shir qarsoodi ah oo doraad Kismaayo ku dhexmaray madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta iyo culumadda beesha Ogaadeen ee fadhigoodu yahay dalka Kenya ayaa waxa lagu gaadhay isfaham ah in labada dhinac ay samaystaan isbahaysi siyaasadeed oo qoto dheer oo ujeedadiisu tahay in qabiilka Abgaal ee Xasan Sheekh iyo Ogaadeen ay waligoodba hayaan talada dalka Somalia.
Siday noo sheegeen ilo xogogaal ah oo Nairobi ku sugani,Siyaasiiyiinta Ogaadeen ee Xasan Sheekh Kismayo kula shiray ayaa madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kasakow waxa ka mid ahaa wasiirka Difaaca Kenya Aadan Barre Ducaale,Xildhibaan Faarax Macalin,Garyaqaan Ahmed Naasir iyo culimo Ictisaam ah oo uu hogaaminayo Sheekh Ummal kuwaasoo balanqaaday inay ka shaqayn doonaan sidii Xasan Sheekh marka loogu dooran lahaa jagada madaxweynaha ka dib marka la ansixiyo distoorka ku meel gaadhka ah ee ay hadda doodiisu socoto iyadoo la isku afgartay in Xamse Barre noqdo madaxweyne-ku-xigeenka Xasan Sheekh.
Wafdiga Ogaaden ayaa sida la sheegay Xasan Sheekh gudoonsiiyey 2 milyan oo doolar inkastoo aanay wali soo shaac bixin ujeedada ay lacagtaasii u bixiyeen iyo wixii loogu talogalay toona.
Dhinaca kale warar dheeraad ah oo ku saabsan kulaankaa ka dhacay Kismaayo ayaa sheegaya in Xasan Sheekh iyo Ogaadeenku ay isku afgarteen in isbahaysigoodu uu noqdo mid ay kaga hortagayaan oo ka dhan ah is-xula-faysiga Majeerteen iyo Farmaajo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*