Latest News

Duqayntii Oo Yaraysay Weeraradii Xuuthiga Iyo Maraakiibtii Oo Wali Ku Dhici La’ Inay Kusoo Laabtaan Isticmaalkii Badda Cas

Haatufonline,Feb13,2024
Maraakiibtii badanayd ee ka wareegtay isticmaalka Badda Cas ayaa wali kusoo dhiiran la’ inay marinkaasi dib ugu soo noqdaan inkastoo ay yaraadeen weeraradii ay Xuuthiyiintu u geysan jireen maraakiibta ka dib markii ay ciidamada Maraykanka iyo Ingiriisku ay bilaabeen 11 January inay duqayn xoog leh u geystaan saanadaha iyo saldhigyada kooxda Xuuthiyiinta ee dalka Yaman.
Siday sheegeen ciidamada reer Galbeedku waxay mudadii duqayntu socotay ee dhawrka todobaad ahayd ay dhaawac wayn u gaysteen awoodihii ciidanka Xuuthiyiinta gaar ahaan barihii ay maraakiibta kaga soo gani jireen gantaalaha iyo diyaaradaha Daroonka ee qarxa.
Hadaba laga bilaabo January 26 ilaa February 12 Xuuthigu wuxu qaaday 4 weerar oo kaliya kuwaas oo kii shalay mooyaane uu la wada waayey gantaalihii uu ku riday. Xuuthiga ayaa ku celceliyay inay weeraradooda sii wadi doonaan waxaana wali muuqata in boqolaal maraakiib ahi ay wali isku aamini la’yihiin isticmaalka Badda Cas oo ya wali ka doorbidayaan safarka dheer ay kaga soo wareegayaan Koonfur Afrika taasoo durtaba qaali garaysay qiimihii cuntada dibadaha uga iman jirtay dalalka Geeska iyo Bariga Afrika ee loosoo marinjiray Suez Canal.
Dhinaca kale amaan daradan ayaa si gaar ah uu saamaysay dhaqaalihii Shiinaha kasoo gali jiray alaabahay u dhoofiyaan Yurub oo la marin jiray Suez Canal.Dawladda Shiinaha ayaa dhawaan dalka Iiraan oo si wayn u taageera Huuthiga ka dalbatay inay Xuthiga
culays ku saaraan inay ammaan siiyaan maraakiibtooda Hasayeeshee dawladda Shiinaha ayaa wali ka cago jiidaysa inay awoodeda militari wax kaga qabato ammaan darada ku habsatay Badda Cas.Inkastoo Shiinuhu dhaqaale ahaan kasoo kaban karo khasaaraha arintan kasoo gaadha hasayeeshee dalalka saboolka ee maceesahadoodu qaaligarowday ayaa waxay dawladda Shiinaha ku dhaliilayaan inay ka baaqsatay kaalintii ay ku lahayd wax-ka-qabashada arintan oo aanay u dhaqhmin sidii dawlad wayn.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*