Latest News

Dablay Gacanta Ku Dhigtay Taanker Marayey Gacanka Cadmeed Oo Uu Leeyahay Taajir Kasoo Jeeda Isael

Dubai,November 26 2023(Haatufonline) – Waxa Axaddi maanta biyaha Gacanka Cadmeed (badda u dhaxaysa Cadan,Djibouti iyo Berbera) lagu qafaashay markab taankar ah oo magaciisa la yidhaahdo Central Park kaasoo siday maadadda kamikada ah ee Sulphuric Acid.Taankarkan ayaa waxa la sheegay inay leedahay shirkadda Zodiac Maritime taasoo uu leeyahay maalqabeenka reer Israel ee Eyal Ofer.

Dhinaca kale waxa maalintii Jimcaha Badwaynta Hindiya lagu weeraray markab koonteenarro siday oo uu leeyahay maalqabeen kasoo jeeda Israel. Masuul ka tirsan Gaashaandhigga Maraykanka oo diiday in la magacaabo oo u waramay wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegay in markabkaasi lagu weeraray diyaarad drone ah oo nooca ay Iran samayso ah ee Shahed-136 balse aanay shaqaalihii markabku wax ku noqonin weerarkaasi.

Waxa dhawr cisho laga joogaa markii ay Xuuthiyiintu ay afduubeen markab uu lahaanshihiisa ku lug leeyahay nin reer Israel ahi. Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay bartilmaameedsan doonaa maraakiibta Israel leedahay ama xidhiidhka la leh ilaa iyo inta ay Isael joojinayso weerarada ay ku hayso Qaza.

Boqolkiiba 15 baayac mushtarka caalamka ayaa lagu qiyaasaa inuu maro Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxaana laga cabsi qabaa in shirkadaha Caymisku ay kordhiyaan lacagtii ay ku caymin jireen maraakiibta badeecadaha keenta dekadaha Cadan,Geeska iyo Bariga Afrika,koradhkaas oo fuuli doona qiimaha alaabooyinka daruuriga ah ee dalalkaasi dibadda kala soo dagaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*