Latest News

Dagaalka Badda Cas Iyo Kala Go’a Badeecadaha Oo Laga Dareemay Dunida

Haatufonline,January 24,2024
Waxa durtaba dekadaha iyo suuqyada dunida laga dareemayaa kala go’ ku yimid badeecadahii ay maraakiibtu daabuli jirtay ka dib markii uu khakhal ku yimid isku socodkii gaadiidka badda taasoo ka dhalatay weerarada ay la beegsansyeen Xuuthiyiinta Yamani labadii bilood ee u dambeeyey. Amaanka Badda Cas ee xumaaday ayaa maraakiib badan ku kalifay inay ka baydhaan Badda Cas oo ay ka wareegaan Koonfur Afrika taasoo laba jibaartay mudadii ay ku qaadan jirtay inay daabulka gaadhsiyaan macaamisha ay u raranyihiin. Isticmaalka Badda Cas waxa dhinaca Koonfur Afrika uga wareegay in ka badan 500 markab oo ah nooca konteenarada qaada oo u dhigma afar dalool oo meel tirada maraakiibta dunida ee noocaas ah. . Alaabta kala go’day waxa dheer kiradii lagu qaadi jiray oo afar jibaarmatay. Lama arag mushkiladdan oo kale tan iyo waqtigii lasoo rogay xiyiraadihii badda iyo cirkaba ee ka dashay COVID-19 .
Qalalaasaha iyo
iska horimaadka Badda Cas ayaa sii kordhay ka dib markii ay dhawaan Maraykanka iyo Xulfadiisu ay Xutiyiinta ku qaadeen weeraro isdaba joog ah iyagoo adeegsanayaan duqayn cirka ah iyo gantaalaha ridida dheer. Inkastoo uu Xuuthiyiinta soo gaadhay khasaare xoogani hadana waxay khubaradu sheegeen in Xuuthiyiintu aanay joojin doonin dagaalkooda taasina ay sababi doonto inuu sii xiiq dheerado qalalaasaha ka tagan marinka Badda Cas iyo khalkhalka ku yimid ganacsigii caalamka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*