Latest News

Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Oo Kormeeray Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland

Berbera, January 24, 2024 (Haatufonline) -Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kormeeray Taliska Ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland. waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland Sareeyo Guuto Axmed Hurre Haarriye iyo saraakiisha kale ee Ciidanka ayaa Wasiirka ku soo dhoweeyey Taliska Ciidanka.

Ugu horreyn Taliyaha ayaa war bixin ka siiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL shaqada culus ay qaranka u hayaan Ciidanka ilaalada Xeebaha, kuwaasoo ilaaliya badda dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL ayaa faray Ciidanka Ilaalada Xeebaha in ay laba laabaan shaqada ay Qaranka u hayaan, xoojiyaana ammaanka Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo Wasiirku ku ammaanay Ciidanka ilaalada Xeebaha dedaalkooda muuqda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*