Latest News

Dhaliilaha Afrikaanku U Jeediyaan Shirkadaha Shiinaha

Haatufonline,January 21,2024.
Afrika meel kasta waxa ka socota dood ku saabsan qaabka ay shirkadaha Shiinuhu ula dhaqmaan dadka muwaadiniinta ah ee u shaqeeya iyo Afrika kaalinta ay shirkadahaasi ka qaataan shaqo abuurista.
La iskuma hayo in dalka Shiinuhu uu Afrika amaahiyey lacago badan oo lagu hirgaliyey mashaariic faaiido u leh bulshooyinka ku dhaqan sida madaaro,dekado,wadooyin.Hasayeeshee waxa baryahanba soo kordhayey dhaliilaha ay dadweynuhu u jeedinayaan hab dhaqanka shirkadaha Shiinaha ee khuseeya qodobadan hoos ku xusan:
(1).Mushaharkooda oo aad u hooseeya iyadoo shaqaalaha siiyaan $50- $80 bishii (2).Dhawris la’aanta xuquuqda shaqaalaha sida tirada saacadaha shaqada,daryeelk caafimaadka iwl(3).Shaqaalaha oo aan la siinin agabka fayo dhawrka iyo dayactirla’aanta goobaha shaqada sida ceelasha macdanta laga qodo(4).Masuuliinta Shirkadaha Shiinaha oo si yasidi ku jirto ula dhaqma shaqaalaha Afrikaanka ah.
Arimahaas ayaa waxay keeneen in Shiinaha lagaga kaco dalal ku yaala Afrika sida Zambia,DRC(Kongo),Kenya,Cameron iyoTogo.Waxa kale oo Shiinaha lagu dhaliila in aanay suuqyada maxaliga ah wax ka iibsan oon dadku wax ka faaiidin isla markaana ay dalkooda ka keensadaan tiro badan oo shaqaale ah halkii ay Afrikaanka fursad ka siin lahaayeen oo masalan waxa la sheegay in Shiinaha ku sugan Djibouti ay ka badanyihiin Maraykanka halkaas jooga hadana in reer Djibouti-ga Maraykanka u shaqeeyaa ay ku afar jibaarmayaan kuwa Shiinaha u shaqeeya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*