Latest News

Kulan Lagu Dardar-Galinayo Amniga Guud Ee JSL Oo Wasiir Maxamed Kaahin Shir-gudoomiyey

Hargeysa, January 21, 2024 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey kulan Ballaadhan oo ku saabsan amniga guud ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay Miiska Saraakiisha, wuxuuna ka mid ahaa kulamada caadiga ah ee lagu dardar-galinayo amniga, laguna falaqaynayey kor u qaadista amniga gudaha iyo guud ahaan difaaca Qaranka.

Shirkan muhiimka ah waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha guud ee Ciidamada kala duwan ee qalabka sida, waxaana shir gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, kulamada joogtada ah ee ku saabsan amniga Dalka, ayaa tusaale u ah sida ay Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ay uga go’antahay adkaynta nabadgelyada Dalka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*