Latest News

Dhulka Djibouti Ma Harimacadkii Ayaa Kusoo Noqday

Digital Camera

Haatufonline ,October 20,203.

Meel ka mid ah miyiga dalka Djibouti ayaa waxa dhawaan lagu arkay hal Harimacad .Xayawaankan oo waqtigii hore ku noolaan jiray ayda Djibouti ayaa sida uu sheegay Xuseen Rayaale oo ah sarkaal ka tirsan Wasaaradda Deegaanka ee Djibouti aan lagu arag dalka muddo hadda laga joogo sodon sanadood.

Waxay ahayd sanadkii 2021 markii uu Baanka Aduunku professor Maraykan ah oo magaciisa la yidhaahdo Evan Buechley u xilsaaray mashruuc lagu sahaminayo ugaadha iyo shimbaraha ku nool dalka Djibouti iyo dhirta iyo daaqa ka baxaba .Dr Buechley oo ku takhasusay Haadka hilibka cuna ayaa hawlgaliyey koox khubaro ah oo ka kooban 8 xubnood oo ay ka mid ahayd haweenay la yidhaahdo Megan Murgatrod oo kasoo jeeda dalka Koonfur Afrika kuna nool magaalada Cape Town.
Dr Murgatrod ayaa mar ay waajibka la siiyey ka hadlaysa waxay tidhi
“dhulka Djibouti oo dhan ayaa lanoo xilsaaray in aanu daraf ilaa dacal sahaminno oo maanu garanayn waxa nagaga soo bixi doona iyo waxa aanu ku arki doono”.

Khubaradan ayaa sanadkii 2021 keemarooyin 48 xabadood ah ku xidhay deegaano kala duwan oo ka mid ah dhulka Djibouti .Keemarooyinkan ayaa waxa loogu talo galay inay sawiraan noolaha kusoo dhawaada ee meel ka taabta .Sanadkii ku xigay ee 2022 ayey sidoo kale 42 keemaradood ku xidheen meelo kale. Hadaba markay khubaradi daawadeen sawiradii ay keemarooyinku qaadeen iwaxa mid ka mid ah keemarooyinkaasi kaga soo baxay bahal aanay filayn oo ah Harimacad. Waxa kale oo sawirada ay keemarooyinku qaadeen ka mid ahaa duur joogta uu Harimacadku ugaadhsado sida garanuugta iyo sakaarada iyo waliba shimbiro tiro badan oo noocyo kala duwan ah.

Waa war lagu farxo in Harimacad lagu arko Djibouti maa daama uu xayawaankani ka midyahay kuwa kasii dabar go’aya Geeska Afrika . Waxa seh wali la isweydiinaya Harimacadka ay keemaradu qabatay ma midhkaas oo kaliyaa mise waxa jira kuwo kale oo Djibouti ku nool oon la ogayn.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*