Latest News

Ronaldo Oo Indhihi Warbaahinta Reer Galbeedka Usoo Jeediyey Tartanka Horyaalka Sucuudiga

Haatufonline,October 21,2023

Tartanka Horyaalka Kubadda Cagta ee Scuudiga ( Saudi Pro League) ayaa soo jiitay indhaha caalamka tan iyo intii uu Cristiano Ronaldo u wareegay
dalkaasi ee uu ku biiray naadiga Alnasar ee reer Riyaad dabayaaqadii 2022.
Warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa reer Galbeedka oo aan hore uga hadli jirin ciyaaraha kubadda cagta ee Sucuudiga ayaa hadda isku taxalujiya inay soo bandhigaan wararka tartanka Pro League ee Sucuudiga ka socda iyo sheekooyin ku saabsan naadiyada iyo laacibiinta ka ciyaara.

Kadib markii bishii December 2022 daboolka laga qaaday heshiiskii dhexmaray Rolando iyo naadigaa Al-Nasr ayaa waxay arintaasi dhiirigalisay in tiro badan oo ka mid ah ciyaartowga dunida ugu caansani ay ku biiraan naadiyada ugu waawayn ee Sucuudiga sida Al-Itixaad,Al-Ahli,Al-Hilaal iyo Al-Nasr.
Ronaldo waxa ku xigay Neymar oo ku biiray Al-Hilaal.Waxa iyaguna Sucuudiga u baqoolay Kariim Benzema,Sadio Mane iyo saxiibadii Roberto Firmino iyo Henderson, kabtankii InterMilan Marcelo Brozovic,Difaaci Man United Alex Telles,Otavio oo u ciyaari jiray Porto,Riyad Mehrez oo isna ku biiray Al-Ahli iyo qaar kale.
Dhamaan ciyaartowgan waxa lagula heshiiyey lacago xad dhaaf ah oo khayaali ah oo anay ka heleen naadiyadii Yurub ee ay u ciyaari jireen iyadoo ay dawladda Sucuudigu arintan ku kharash garaysay lacag ku dhaw dhaw hal milyaar oo Doolar sanadkan 2023 .

Inkastoo warbaahinta Ingiriisku ay hadalo ay ku dhaleecaynayaan Sucuudiga ay daba dhigaan wararkooda ku saabsan ciyaaraha horyaalka Pro League,hadana iyaga iyo warbaahinta kale ee reer Yurub waxay ku khasbanaadeen inay akhristeyaashooda iyo daawadayaashooda la socodsiiyaan wararka ciyaaraha kubadda cagta ee dalka Sucuudiga.Sucuudiga ayaa olole ugu jira inuu qabto ciyaaraha Koobka Aduunka ee 2030.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*