Latest News

Talyaaniga Oo Ku Gacansaydhay Dalabyo Waali Ah Oo Xasan Sheekh Ula Yimid

Rome,January 31,2024(Haatufonline) – Raiisal Wasaaraha Talyaniga Giorgia Meloni ayaa ku gacansaydhi dalabyo uu ula yimid madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo ay ka mid ahaayeen in Midowga Yurub cuno qabatayn kusoo rogo Ethiopia iyo Somaliland isla markaana mucaawimadii uu Midowga Yurub siin jiray Somaliland lagu soo wareejiyo dawladda Xamar taasoo uu u cuskaday isfahmkii badda ee ay Somaliland iyo Ethiopia dhawaan kala saxeexdeen.
Xasan Sheekh ayaa cunoqabatayntan soo bandhigay xiligii uu socday shirkii Roma ee todobaadkii hore ay Giorgia Meloni iyo
madaxda dalalka Afrika ku kulmeen kaasoo ay dawladda Talyaanigu martigalintiisa lahayd.
Raiisalwasaare Meloni ayaa Xasan Sheekh u sheegtay in dalabkiisaasi aanu ahayn mid suurtogal ah in Midowga Yurub aqbalo.Iyadoo arinkaa ka hadlaysana waxay Xasan Sheekh ku tidhi marka aad leedahay Somaliland cunoqabatayn ha la saaro miyaanad kolkaasi u aqoonsanin inay tahay dal jira oo madaxbanaan.
Xasan Sheekh ayaa waxa kale oo uu soo bandhigay qorshe uu Zaylac u aqoonsanayo maamul goboleed xukuma ilaa Lughaya taaso uu sheegay inuu kaga hortagayo hirgalinta heshiiska dhexmaray Somaliland iyo Ethiopia.Giorgia Meloni oo u muuqatay in warbixno iyo xogo waafi ah laga siiyey arimaha Somaliland ka hor shir doceedka ay la yeelatay Xasan Sheekh ayaa waxay ku tidhi ‘reer Somaliland waxbay wada samaysteen usoo shaqaynayey muddo dheer mana haboona oo ma ogolin in fadqalalo la kala dhex dhigo oo dagaal laga dhex abuuro’.Waxa kale oo ay Xasan Sheekh ku tidhi ‘anigu waxan islaha waxa uu ku odhan doonaa Laascaanood ayaan maamul u aqoonsanaya’.
Xasan Sheekh oo taas ka jawaabaya ayaa waxa uu yidhi ‘ Iyaga hore ayaan uga diiday oo waxan ku idhi waxaad ka tirsantihiin Somaliland hadana tii ayaan taaganahay oo Xata Puntland oon ogolayn inay dawlad goboleed noqdaan ayaa nagula coloobaysa hadii aanu ka dhigno maamul goboleed’.
Madaxwaynaha Kenya William Ruto oo ka mid ahaa dhawrka hogaamiye ee Xasan Sheekh ku wahelinayey shirdoceedkan ayaa soo soo jeediyey inuu isago dhexdhexaadiyo Somaliland iyo Somalia hasa yeeshee waxa arintaas diiday Xasan Sheekh waxaanu isagoo aad u niyad jabsan sheegay inuu ka noqday dalabkiisii cunoqabataynta iyo qorshihii inuu Maamul u aqoonsado Zaylacba.
Markay halkaas marayso ayaa Raiisalwasaare Meloni waxay soo gunaanaday shir doceedkii waxaanay sheegtay inay wasiir u diri doonto Hargeysa madaxweynaha Somalilandna martiqaadi doonto si uu Roma u yimaaddo oo ay u wada hadlaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*