Latest News

Ethiopia Iyo Pakistan Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Badda Iyo Heshiiska Somaliland

Islamabad, February 29, (Haatufonline) –  Safiirka Itoobiya u fadhiya Pakistan, Jemal Beker Abdula ayaa la kulmay Admiral Naveed Ashraf, Madaxa Ciidanka Badda ee dalka Pakistan, kuwaas oo ka wadahadlay iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinaca amniga badda iyo gobolka.
Intii uu socday kulankaasi ayaa Danjire Jemal waxa uu Admiral Naveed uga warbixiyay Heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland, wuxuuna sharraxay in Is-afgaradku “si buuxda u waafaqsan yahay xeerarka caalamiga ah.”
Waxa uu intaa ku daray in Itoobiya ay ku dadaalaysay in ay “isku xidho gobolka oo dhan iyada oo la wadaagaysa kheyraadkeeda dalalka walaalaha ah si loo xaqiijiyo horumar caddaalad ah oo loo siman yahay oo gobolka oo dhan ah”.
Dhinaca kale, Admiral Naveed Ashraf waxa uu qiray doorka ay Itoobiya ka ciyaartay is-dhexgalka gobolka “iyada oo loo marayo hindiseyaal badan” wuxuuna ugu hambalyeeyay Itoobiya martigelinta shirkii Midowga Afrika ee dhowaan si guul leh.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*