Latest News

Xuuthiyiinta Oo Muujiyey Dhabar-Adayg Iyo Shiinaha Oo Ka Maquurtay Qalalaasaha Badda Cas

Cadan,March 2,2024(Haatufonline)- Xuuthiyiinta Yaman ayaa wali khatar ku haya maraakiibta marta Badda Cas. Inkastoo ciidamada badda iyo cirka ee Maraykanka iyo Ingiriisku ay laga bilaabo bishii January duqayn culus u geysanayeen saldhigyada ay Xuuthiyiintu kasoo qaadaan weerarada ay la beegsadaan maraakiibta, hadana wali may suurtoobin in weeraradii Xuuthiyiintu ay joogsadaan.
Isbahaysi uu maraykanku hogaaminayo oo ka kooban 20 dal ayaa muddo in dhawaydba ka hawlgalayey Badda Cas si ay maraakibta halkaas marta uga difaacaan kooxda Xuuthiyiinta.
Hasayeeshee dalka Shiinaha oo 40% ganacsiga uu la leeyahay Yurub maro Badda Cas iyo Suez Canal ayaan isagu ka muuqan saaxadda laga wado dadaaladan caalamiga ah ee lagu sugayo ammaanka gaadiidka madaniga ah ee baddasi mara. Inkastoo dabayaaqadii January uu Afhayeenka wasaaradda Arimaha Dibadda Shiinaha Wang Wenbin uu sheegay in dalkiisu uu ka walacsanyahay xaaladda ka jirta Badda Cas isla markaana uu Shiinuhu xidhiidho togan la sameeyey dhamaan dhinacyada ay arintani khusayso, hadana wali ma muuqdaan talaabooyin wax ku ool ah oo ay dawladda Shiinuhu ku dhaqaaqday oo wax lagaga qabanayo xaaladda cakiran ee saamaysay nabadgelyadii maraakiibta adeegsata biyaha Badda Cas.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*