Latest News

Xuuthiga Oo Jarjaray Keebaladi Isgaadhsiinta Ee Badda U Dhaxaysa Djibouti Iyo Jedda Hoosteeda Yaalay

Haatufonline,February 27,2024

Sida laga soo xigtay wargeysyada Hindustan Times,Jerusalem Post iyo Globes, kooxda Xuuthixiinta Yaman ayaa dhawaan falal kharbudaad ah u geystay keebalada isgaadhsiinta ee hoosyaala biyaha badda ee u dhaxeeya Djibouti iyo magaalada Jedda.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Xuuthigu uu waxyeelo gaadhsiiyey keebalada afarta shirkadood ee kala ah AAE-1,Seacom,EIG iyo TNG taasoo kala go’ iyo culaysba ku keentay dhinaca isgaadhsiintii Internet-ka ee u dhaxaysay Yurub iyo Aasiya(Asia) iyadoo waliba arintaasi aad looga dareemay dalalka Khaliijka Carabta iyo wadanka Hindiya inkastoo ay jiraan keebalo kale oo isla biyaha baddaasi hoos mara oo isku xidha Aasiya,Afrika iyo Yurub.

Keebalka EIG( European Indai Gateway) ee waxyeeladu gaadhay ayaa isagu isku xidha koofurta Yurub,Masar,Saudi Arabia iyo Djibouti waxaana keebalkaasi badda hoosteeda dhigay shirkadda la yidhaahdo
Alcatel-Lucent iyadoo uu mashruucaasi ku baxay kharash dhan $ 700 milyan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*