Latest News

Golaha wakiillada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Isa-saarka Doorashooyinka Qaranka Oo Ka Soo Gudbay Golaha Guurtida Somaliland.

Hargaysa, January 15, 2024 (Haatufonline) – Haddaba ansixintii xeerarkaasi kadib Guddoomiyaha guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland Mudane Dayib Xasan Axmed ayaa naqdiyay Ansixintii maanta ay Golaha Wakiilladu ansixiyeen Xeerarka Isa-saarka Doorashooyinka, waxaanu Xildhibaanku sheegay in aanay meelna ku jirin in Golaha Wakiilladu ay xeer ansixiyaan dabadeena ay golaha Guurtida usoo gudbiyaan kadibna wax ka badelkii guurtida ay ka tagaan oo ay sidii ay rabaan Madaxwaynaha ugu gudbiyaan.

Xildhibaan Dayib waxa uu intaas ku daray in aanay meelna kaga jirin xeerarka dalka oo uu xusay inuu ka hadlayo Qodobka 38-aad ee dastuurka Somaliland xeer dajinta labada gole.

Sidoo kale Xidhibaan Dayib Xaan Axmed ayaa sheegay in kaliya Madaxwaynaha loo gudbin karo xeer ay labada gole ku wada qanacsan yihiin oo aan ka turjumayn argatida gole kaliya, waxaanu sheegay in aanay xaq u lahayn inay kaligood ugudbiyaan madaxweynaha.

Gudoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa sheegay in Baarlamaanka dalka loo doortay inay bulshada ka tafatiraan Xeerarka loo samaynayo balse aan loo aasaasni in gole kaliya isku codeeyo oo uu xeererka madaxwaynaha u gudbiyo.

Ugu danbayn Xildhibaanka ayaa Madaxwaynaha iyo cid kasta oo ay khusayso ugu baaqayn in aan dan shakhsi ah laga eegi Xeerarka dalka maadaama lagu dhaqayo bulshada kumanaanka sano ee soo socda

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*