Latest News

Kulan Lagaga Hadlay Amaanka Oo Ka Dhacay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland

Hargeysa, January 15, 2024 (Haatufonline) -Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey kulan Ballaadhan oo ku saabsan amniga guud ee dalka.

Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Ciise Kayd, Masuulinta Talisyada kala duwan ee Ciidamada, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Shirkan ayaa ku saabsanaa dardargelinta iyo adkaynta Nabadgalyada Dalka, wada shaqaynta Hay’adaha amniga iyo xoojinta guud ahaan amniga guud.

Cabdillaahi Axmed Caarshe
Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadeynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*