Latest News

Guddida Farsamo Ee Heshiiska Isfaham Ee Somaliland Iyo Ethiopia Oo Kormeeray Dekeda Berbera

Hargeysa, March 5, 2024 (Haatufonline) – Guddida farsamo ee sii ambaqaadista heshiiska isfaham ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Ethiopia ee Madaxweynaha Somaliland magacaabay dhawaan ayaa maanta kormeer ku tagay dekeda Berbera.

Xubnaha guddidan farsamo ayaa intii ay ku sugnaayeen gudaha dekeda waxay kormeereen qaybaha kala duwan ee dekeda Berbera ka kooban tahay, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey maareeyaha hay’adda dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo gudida warbixin ka siiyey qaybaha dekeda.

Ambassador Bashiir sheekh Cumar Good oo ah gudoomiye ku xigeenka guddidan ayaa maareeyaha uga mahadnaqay faahfaahinta uu ka siiyey qaybaha dekeda, waxaanu sheegay Bashiir Good in hawshoodu ku kooban tahay indha-indhay si hawlaha loo igmaday ee qaban doonaan ugu dabaqaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*