Latest News

Qorshe uu waday Saalax Jaamac In Mubaarak Aar Loo Magacaabo Maxkamadda Saree Somalia Oo Fashilmay

Muqdisho,March 2,2024(Haatufonline)- Qorshe uu watay raiisalwasaare ku xigeenka Somalia Jaamac Saalax oo uu ku doonayey in Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somalia laga dhigo qaryaqaan Mubaarak Aar ayaa fashilmay ka dib markii uu si adag isu hortaagay mid ka mid ah madaxda calooshood-u-shaqeysteyaasha kasoo jeeda Somaliland ee ku sugan Xamar taasoo keentay inuu Xasan Sheekh ka noqdo magacaabista Mubaarak Aar.
Sida la ogsoonyahay waxa hadda jagada gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somalia ku magacaaban Baashe Yuusuf Axmad oo qudhidiisu kasoo jeeda Somaliland kana mid ah calooshood-u -shaqaysteyaashaa Xamar u shaqo tagay ee khiyaamada qaran ka galay dalkooda Somaliland.
Mubaarak Aar ee muddo hadda laga joogo bil-ku-dhawaad ka hadlay isfahmkii badda ee dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya iyadoo uu si badheedh ah fasiraad khaldan uga bixiyey isfahmakaasi, uguna baaqay Baarlamanka Somaliland in aanu asixinin.

Tan iyo intii ay Somaliland iyo Itoobiya ay wada gaadheen isfahamka badda waxa uu madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh bilaabay qorshe balaadhan oo maalgalintiisa iyo taakulayntiisa militari watta oo ujeedadiisu tahay duminta degenaanshaha Somaliland xag nabadgelyo,dawladeed iyo mid siyaasadeeba iyadoo laga dhex abuurayo colaado iyo dagaalo loo adeegsanayo dad reer Somaliland ah oo isugu jiro ganacsato,siyaasiyiin,xildhibaano,hoggamiye dhaqameed,culimo iyo waliba Huwanta Laascaanood.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*