Latest News

Shaqaale Ku Dhintay Markab Maanta Lagu Weerarary Meel U Dhaw Cadan

Cadan,March 6,2024(Haatufonline)- Ugu yaraan 2 qof oo shaqaale ah ayaa ku dhintay weerar ay Xuuthiyiintu Arbacadi maanta ku qaadeen markab nooca xamuulka daabula ah xili uu marayey meel ku dhaw Cadan.
Markabkan oo laga leeyahay dalka Giriigga ayaa dab weyni qabsaday ka dib markii uu gantaal ku dhacay taasoo keentay in shaqaalihiisii ka dagaan oo ay lafahooda ugala caymadaan.
Dhimashada ka sakow waxa kale oo la sheegayaa in dhaawac soo gaadhay qaar ka mid ah shaqaalihii markabkan oo magaciisa la yidhaahdo True Confidence.
Dhimaca kale Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay markabka weerareen ka dib markii uu diiday inuu u hogaansamo amirkooda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*