Latest News

Isku-Soobax Lagu Taageerayo Heshiiskii Somaliland Iyo Ethiopia Oo Ka Dhacay UK

London, March 9, 2024 (Haatufonline) – Isku-soo-bax balaadhan oo lagu taageerayo heshiiskii isfahan ee Somaliland ay la gashay horaantii sanadkan dalka Ethiopia ayaa ka dhacay UK.

Dibadbaxan oo ay ka soo qaybgaleen jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan UK, xildhibaano u ololeeya aqoonsi Somaliland hesho oo ka tirsan baarlamaanka UK ayaa muujiyey taageerada Somaliland.

Mudaharaadkan oo ka qabsoomay dhismaha Baarlamanka Boqortooyada Ingiriiska hortiisa, ayaa waxa qabanqaabiyey Jaalliyada Somaliland ee dalkaasi.

Isu soo baxan waxa uu daarran yahay laba ujeeddo oo kala ah; in lagu taageero Isfahamka dhex maray Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Itoobiya iyo in lagu muujiyo Dalabka muwaadiniinta Somaliland ee la xidhiidha doonista Ictiraaf Caalami ah, waxaanu farriin u dirayaa Dawladda Ingiriiska oo loogu baaqayo inay ku biirto dalalka aqoonsanaya Somaliland.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*