Latest News

Iran Oo Sheegtay In Xamaas Sii Daynayso Maxaabiista Rayidka Ah Hadii Israel Ay Joojiso Duqaynta Qaza

Doxa, Ocober 16, 2023 (Haatufonline) – Shir jaraa’id oo uu qabtay Isniintii, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran Naser Kanaani ayaa sheegay in Dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiin ay nagu wargeliyeen inay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah Siidaynta maxaabiista aan ciidamada ahayn ee ay haystaan.” Afahyeen Kanaani wuxuu kaloo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo “shuruudaha gaarka ah” in la buuxiyo si ay tani u noqoto mid dhab ah.

Ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo laga soo xigtay warbaahinta rasmiga ah ee Xamaas, iyadoo dalal ay ka mid yihiin Qatar, Masar iyo Maraykanku ay ka shaqaynayaan sidii loo sii dayn lahaa la haystayaashaas oo tobanaan ka mid ah ay ka soo jeedaan wadamo ka yimid Yurub ilaa Waqooyiga iyo Koonfurta Ameerika.
Hadalkan Iran ka soo yeedhay ayaa ku soo beegmaya kadib markii maanta Israel ay xaqiijisay in 199 maxbuus lagu haysto Gaza.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*