Latest News

Khasaaraha Ugu Badan Ee Ka Dhashay Maraakiibta Ka Leexatay Badda Cas Oo Soo Gaadhay Masar Iyo Shiinaha

Haatufonline,March 9,2024

Khasaaraha dhaqaale iyo ganacsi ee ugu badan ee ka dhashay maraakiibta ka leexatay isticmaalka Badda Cas ayaa waxa uu soo gadhay labada dal ee Masar iyo Shiinaha.
Xuuthiyiinta ay Iran taageerto ayaa bishii November 2023 bilaabay inay weeraran maraakiibta soo marta Badda Cas iyadoo oo ay sheegeen inay ugu hiilinayaan dadka reer Qaza.
Hasayeeshee waxa arintaas ka dhashay in maraakiib badani ay gabi ahaanba joojiyaan sticmaalka marinka Badda Cas ee isku xidha Yurub iyo Aasiya oo ay ka soo wareegaan Koonfur Afrika markay ku socdaan Yurub iyo markay Aasiya u safrayaanba.
Hadaba Shiinaha oo ah dalka ugu baayacmushtariga badan dunida ayaa waxa hoos u dhac weyni ku yimid faaiidadii ay shirkadahiisu ka heli jireen badeecadaha ay dalalka kale ka iibiyaan taasoo ay sababtay qiimaha daabulka maraakiibta oo kor u kacay.Masalan konteenarka Shiinaha looga dirayo Yurub wuxu bishii December 2023 joogay $3000 laakin bishan Febraury 2024 wuxu gaadhay $8000.Taasi waa marka uu markabku ka leexdo Badda Cas laakiin hadii uu iyada maro waxa lagu cayminaya qiimo xad dhaaf.
Masar iyadu wax badan ma dhoofiso laakiin waxay amaandarada Badda Cas ku wayday 65% $10 bilyan oo sanadkii kasoo gali jiray Suez Canal.Qiimaha Giniga Masar ayaa 40% hoos u dhacay waxaana sarifkiisu gaadhay $80.
Waxase cajiib ah in Masar iyo Shiinuhu aanay ilaa hadda wax ku darsan dadaalka caalamiga ee hab militari iyo mid diblomaasiyadeed leh ee lagaga hortagayo weerarada Xuuthiga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*