Latest News

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Qaybgalay Korjoogtaynta Doorashada Madaxtooyada Iyo Baarlamaanka Taiwan.

Taipie, January 13, 2024 (Haatufonline) – Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa mahadnaq iyo hambalyo u diray komishanka Taiwan oo aybkala qaybgaleen korjoogtaynta doorashooyinka ka dhacay dalka Taiwan.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo u dhignaa sidan:-
komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland waxay mahadnaq iyo hambalyo u dirayaan dhiggooda Komiishanka Taiwan oo ku martiqaaday in ay ka qaybgalaan koorjoogtaynta habsami u-socodka doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka dalkaasi Taiwan.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland waxay ku bogaadinayaan KomiishankaTaiwan hanaanka, hufnaanta iyo daahfurnaanta ay doorashada u qabteen. KDQ waxaa kale oo uu hambalyo u dirayaa Shacabka Taiwan guud ahaan, Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka la doortay ee dalka Taiwan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*