Latest News

“Xasan Sheekh Kama Hadli Karo Xidhiidhada Ay Somaliland Galayso” Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland

Hargeysa, January, 13, 2024 (Haatufonline) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaliland Dr Ciise Kayd ayaa ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay Madaxweynaha Somalia iyo xukuumadiisa oo uu kaga hadlay heshiisyo Somaliland ay gashay.

Dr Ciise Kayd ayaa sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud aanu ka hadli karin, isla markaana aanay khusaynin heshiisyada Somaliland la gasho dalalka Caalamka iyo kuwa Jaarka ahba.

“Xasan Sheekh kama hadli karo xidhiidhada Somaliland galayso. Somaliland waa dal xor ah oo qaaday jidkii aqoonsiga,” ayuu yidhi Dr Ciise Kayd Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*