Latest News

Kulan Ku Saabsan Adkaynta Amniga Xuduudaha Somaliland Oo Ka Qabsoomay Miiska Saraakiisha

Hargeysa, January 28, 2024 (Haatufonline) -Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey shirka lagaga hadlayey amniga oo ka qabsoomay Miiska Saraakiisha.

Kulankan ayaa ku saabsanaa dardargelinta iyo xoojinta amniga guud ee Dalka, waxa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka.

Kulankan ayaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee Dalka iyo xuduudaha, si looga diyaar garoobo cadow ku taamaya in ay waxyeelaan Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ka xun horuumarka iyo guulaha Qarankani ku tallaabsaday.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*