Latest News

Maraakiibta Shiinaha Eee Badda Cas Isticmaala Oo Haybtooda Iclaamiya Si Ay Xuuthiyiinta Uga Badbaadaan

Dubai,January 27,2024(Haatufonline) – Maraakiibta laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa markay kusoo beeganyihiin Badda Cas in shaqaalaha markabka la socdaa ay wada yihiin Shiine taasoo ay ula jeedaan inay kaga badbaadaan weerarada Xuuthiyiinta.
Warar arintan ku saabsan oo maanta lagu daabacay wargeysyada Financial Times iyo New York Times ayaa waxa lagu sheegay in Shiinuhu isagoo iska ilaalinaya inay isku dhacaan dalalka Carabta iyo Muslimkaba uu ka muquurtay inuu ciidan ahaan ka qaybgalo hawlgalka caalamiga ah ee lagu sugayo ammaanka Badda Cas.
Iyagoo isku halaynaya in Xuuthiyiintu ay tixgalin doonaan mawqifkoodaa, maraakiibta Shiinahu waxay hadda caadaysteen inay bartii lagu muujin jiray dekada u markabku ku jihaysan yahay oo kaliya ay ku daraan qoraal dheeraad ah oo sheegaya in dhammaan shaqaalaha markabka saarani ay kasoo wada jeedaan dalka Shiinaha.
Siday warbixinuhu sheegeen maraakiibta Shiinuhu waxay isla markaana ka faaiidaystaan xoogaga reer Galbeedkà ee ku sugan Badda Cas ee maraakiibta halkaas maraysa garab gala si ay uga ilaaliyaan weerarada Xuuthiyiintà.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*