Latest News

Kulan Laga Hadlay Amaanka Oo Somaliland Iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Ku Dhexmaray Wajaale

Wajaale, September 23, 2023 (Haatufonline) – Weftiga ka socda Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Masuulin ka socdey Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalo Ganacsiyeedka Tog-Wajaale.

Weftiga ka socdey Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxaa hoggaaminayey Hogaanka Nabadgalyada ee Dawladda Degaanka Mudane Dayib Axmed, ahna kusimaha Madaxweynaha Dawlad Degaanka ay wehelinayaan dhamaan Laamaha Nabadgalyada ee Dawlad degaanka.

Dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka socdey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Yusuuf Ismaaciil, Taliyaha Kuxigeenka Hay’adda Nabadsugida Qaranka, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska, Gudoomiyaha Gobolka Gebilay iyo Maamulka Wajaale.

Labada dhinaca ayaa ka wada hadlay wada shaqaynta labada Dawladood, sida amniga, ganacsiga, isu-socodka iyo in ay labada dhinaca iska kaashadaan dadka denbiyada ka soo gala labada dalka. Kulankan ayaa ku soo dhamaaday isfaham iyo in la sii xoojiyo wada shaqaynta labada dhinac.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*