Latest News

Wasiirada Arimaha Dibada Iyo Ganacsiga Somaliland Oo La Kulmay Madaxweynaha Jabuuti

Djibouti, September 23, 2023 (Haatufonline) – Wasiiradda Arrimaha Dibada iyo Ganacsiga ee Somaliland Dr. Ciise Kayd iyo Maxamuud Xasan Siciid Saajin oo hawlo shaqo u jooga dalka Jabuuti ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, waxaanay ka wada-hadleen xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa.

Wasiir Saajin waxa uu kulamo kale la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo dalxiiska dalka jabuuti mudane Maxamed Warsame.

Kulanka waxa qayb ka ahaa Safiirka Somaliland ee Dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*