Latest News

La Taliyaha Amaanka Qaranka Ee Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Difaacay Heshiiska Isfahan Ee Ay La Galeen Somaliland.

Addis Ababa, January 21, 2024 (Haatufonline) – Redwan Hussain oo ah La-taliyaha Amaanka ee Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia ayaa difaacay heshiiskii isfaham ee ay dhawaan kala saxeexdeen Somaliland iyo Ethiopia.
Mr Redwan ayaa sidoo kale waxa kama jiraan ku tilmaamay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa in Itoobiya ay qorsheyneyso inay samaysato deked.
La taliyaha Raysal Wasaraaha Ethiopia ayaa sidaasibku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa X twitterka ayaa tilmaamay in Itoobiya ay ka go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya oo ay u hureen dhiiga iyo dhididka wiilashooda iyo gabdhahooda qaaliga ah ee Itoobiyaanka ah.
Waxaanu intaasi raacoyey “Itoobiya & Soomaaliya ma aha oo kaliya deris xuduud wadaaga ee waa ummado walaalo ah oo af, dhaqan & dad wadaaga.
Xidhiidhka ina xidhaya wuu sii xoogaysan yahay. Masiirkeenu waa mid isku xidhan oo aan la kala maarmin. Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Somaliland la saxeexday waa heshiis iskaashi & wax-wada-qabsi oo Itoobiya u sahlaya inay galaan dhinaca badda marka loo eego dhinaca ganacsiga. Ma aha ku-darsiga ama u-qaadashada madax-bannaanida dhulka dawlad kasta.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*