Latest News

Liverpool iyo Man City Oo 1-1 Isku Mari Waayey


London, November 25, 2023 (Haatufonline) – Kooxda kubadda cagta Liverpool iyo kooxda kale ee Manchester  Cit ayaa isku barbar dhacay kadib markii 1-1 ay isku mari waayeen.
Manchester City oo ay waqti dambe ka daba timid gool uu qaybtii hore ka dhaliyey Erling Haaland, kaas oo uu meesha ka saaray Trent Alexander-Arnold oo Reds u keenay goolka barbarraha.
Ciyaar si aad ah loogu xafiiltamay oo ay inta badan maamulaysay Manchester City ayay labada kooxood ku heshiiyeen in ay dhibcaha ku qaybsadaan barbarro 1-1 ah.
Erling Haaland ayaa muujiyey inuu yahay mishiinka dhalinta goolasha, waxaana uu ka faa’iideeyey fursaddii ugu horreysay ee kooxdiisa oo uu gool u beddelay.
Kubbad uu dhinaca bidix kala yimid Nathan Ake oo laba ciyaartoy oo Liverpool ah kala soo dhax-baxay ayaa waxa uu u dhiibay Haaland oo meel cidlo ah taagan, waxaana uu ku toogtay goolka isaga oo dhinaca bidix ka dhigay goolhaye Alisson Becker.
Hase yeeshee Liverpool ayaa goolkii barbaraha labtimid gabagabadii ciyaarta.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*