Latest News

Xiligan Oo Kale Ayaa Ku Haboon In Loo Daawasho Tago Nimiriga Kusoo Dhawaada Xeebta Djibouti

Djibouti,November 25,2023(Haatufonline)- Waxa xiligan oo kale xeebta dalka Djibouti kusoo dhawaada kaluunka ugu weyn ee badaha dunida ku nool kaasoo la yidhaahdo Nimiri-Libaax (Whale Shark/requin-baleine) sababta oo ah makhluuqaasi wuxu dhinaca haybta isirka la wadaaga kaluunka loo yaqaanno Libaaxa dhinaca kalena waxay dherar ahaan iyo xajmi ahaan isku dhaw dhaw yihiin ama is-leegyihiinba Nimiriga badda (Whale).

Nimiri libaaxa waxa miisaankiisa lagu qiyaasaa 15 ton,dherarkiisana 12 – 18 mitir,balaca afkiisana hal mitir oo ay ku yaalaan ilko yar yar oo tiradoodu gaadhayso ilaa 3000 balse aanu isticmaalin,waayo wuxu cunaa makhluuqaad yar yar oo ku nool badda oo qudhaanjada lee leeg kuwaasoo marka uu afkiisa weyn kala qaado kusoo gurma.

Hadaba bishan November ilaa bisha February waxa xeebta Djibouti kusoo dhawaada tirada ugu badan ee Nimiri Libaax ah ee aduunka meel qudha lagu wada arko waxaana u daawasho taga dalxiiseyaal badan oo ka faaiidaysanaya fursadaasi qaaliga ah iyadoo inta badan lagu arko biyaha badda ee ku dhaw xeebta Carta iyo Ras Eiro halkaas oo ay usoo doontaan makhluuqaadka yar yar (plankton) ee ay cunaan oo ku badan biyohaasi.
Nimiri libaaxu dadka wax ma yeelo.Sidaas darteed dalxiiseyaasha qaarkood waxay la quusaan oo ka garab dabaashaan Nimiri-Libaaxa halka dadka qaarna ay xeebta istaagaan oo ay halkaas ka daawadaan .Isla xeebtaasi waxa lagu arkaa tiro badan oo Hoombarooyin ah (dolphin).

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*