Latest News

Xisbiga Xukuma Ethiopia Oo Qaraar Ka Soo Saaray Heshiiskii Is-Afgarad Ee Somaliland Iyo Ethiopia Wadagaleen

Addis Ababa, January 26, 2024 (Haatufonline) – Xisbiga Barwaaqo-sooranka ee haya talada dalka Itoobiya ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in uu sare u qaado heshiiskii is-afgaradka (MoU) ee ay Somaliland la saxeexdeen “heshiis wax ku ool ah”.

Qaraar ka soo baxay gunaanadka shirarkii xubnaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbigu ayaa sheegay in heshiiskii is-afgaradka ee ay la galeen Somaliland uu daliil u yahay “Mawqifka Itoobiya ee xidhiidhka dhaqaale iyo dhaqan ee gobolka”.

Xisbigu waxa uu sidoo kale soo bandhigay hababka looga gudbi karo caqabadaha ka dhasha.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*