Latest News

Xasan Sheekh Oo Ka Dhex Muusanaabay Shir Doceedkii IGAD Markii La Yidhi Muuse Ha Loo Yeedho

Addis Ababa,February 17,2024(Haatufonline)- Maxaweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa ku tiraabay erayo muusanow ah ka dib markii shir doceed madaxda dawladaha Igad ay ka yeesheen dacwad Somalia usoo gudbisay oo ku saabsanayd arinta Isfahmkii dhex maray Somaliland Ethiopia ay isku raaceen soo jeedin ka timid dhinaca madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo ahayd in loo yeedho madaxweyne Muuse Biixi si loo dhagaysto mawqifka Somaliland ay ka qabto arinta loo fadhiyey.
Xasan Sheekh waxa uu soo jeedintii Museveni kaga jawaabay in hadii Muuse Biixi loo yeedho oo shirka ka baxayo.Hasayeeshee madaxwayne Museveni ayaa canaan kulul usoo jeediyey Xasan Sheekh waxaanu meesha ka sheegay in maadaama ay Somalia dooratay nidaamka Federaalka ee dawlad goboleedyada u saamaxaya inay ismaamulaan ay waajib tahay in la dhagaysto. Museveni waxa kale oo Xasan Sheekh weydiiyey kol hadii aad leedahay Somaliland anigaa xukuma isla markaana la doonayo in xal la gaadho waxay tahay sababta uu u diidayo in madaxweyne Biixi shirka yimaaddo maa daama ay Somaliland daraf ka tahay mushkiladda loo fadhiyo furdaaminteeda.
Musanowgii Xasan ka dib madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa aakhirkii soo jeediyey inuu isagu arinta la wareego shir kale oo uu Muuse Biixi kasoo qaybgalayana lagu qabto Kampala taasoo ay madaxdii Igad isla qaateen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*