Latest News

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Kormeeray Cusbitaalada Caynabo Iyo Oog,  Gaadhsiiyayna Qalab Caafimaad

Caynaba, November 23, 2023 (Haatufonline) – Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa kormeeray cusbitaalada Caynabo iyo Oog, waxaanu Wasiirku gaadhsiiyey Agab caafimaad oo uu ka mid yahay Mashiinka Wadnaha.
Wasiirka Caafimaadka ayaa waxa ku soo dhaweeyey cusbitaalka Caynaba Isuduwaha caafimaadka ee gobolka Saraar iyo masuuliyiinta gobolka.
Wasiir Gaafaadhi ayaa sheegay in mashiinkan loo isticmaalo wadnaha marka qofku shooga galo uu baahi weyn u qabay cusbitaalka Caynaba, waxaanu intaasi ku daray in Mishiinkan oo kalena ay shalay ku wareejiyeen cusbitaalka magaalada Burco.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*