Latest News

Al-Shabaab Oo Dil Ku Fulisay Nin Lagu Eedeeyay Inuu Ahaa Sixiroole

Jilib, September 24, 2020 (Haatufonline) – Maxkamad kutaala magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo ay maamusho Al-Shabaab ayaa xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeeyay inuu sixiroole ahaa.

Qaadiga maxkamada ayaa ninkan oo lagu magacaabo Axmed Kusane Xasan ku eedeeyay inuu sixir u dhigay lamaane is qaba oo degan deegaanka Joorraha si uu u burburiyo guurkooda.

Garsooraha wuxuu sheegay sixirka in uu yahay riddo.

Al-shabaab ayaa horey dilal noocaan oo kale ah ugu fulisay dad ay ku eedaysay inay ahaayeen sixiroolayaal iyo jaajuusiin. Todobaad kahor waxaa degaanada Al-shabaab maamulaan ay ku toogteen dhowr qof oo lagu eedeeyay inay basaasiin u ahaayaeen dowladda Soomaaliya iyo wadamo shisheeye.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*