Latest News

AMISOM Oo Lagu Eedeeyey Inay Dad Rayid Ah Ku Laysay Gobolka Shabeeladda Hoose

Muqdisho, June 10, 2020 (Haatuf) – Midowga Afrika ayaa
sheegay weerar gaadmo ah oo Al-shabaab ku qaadeen ciidamo katirsan AMISOM oo ku
safrayay aagga Waqooyi Bari ee Janaale, ee gobolka Shabeellaha Hoose in uu ka
dhashay khasaare rayid ah.

Warbixinta Midowga Afrika ayaa lagu sheegay, ciidamada
AMISOM oo la dagaallamayay argagixisada in nasiib darro qaar ka mid ah dadka
rayidka ah ay kasoo gaartay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

“Nasiib darro, saddex haween ah ayaa ku dhintay
is-rasaaseynta halka laba kalena ay ku dhaawacmeen oo hadda ay daryeel
caafimaad ka helayaan isbitaalka AMISOM. Waxaan jeclaan lahayn inaan tacsi u
jeedinno ehelladii marxuumiintaa waxaan u rajeyneynaa kuwa ku dhaawacmay si
dhaqso leh usoo kabtaan,’ ayaa lagu yidhi bayaanka Midowga Afrika.

Midowga Afrika Wuxuu ballanqaaday in AMISOM ay xoojin doonto amniga si ay u xaqiijiso xoojinta ilaalinta dadka rayidka ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial