Latest News

Ciidammada Itoobiya Oo Ku Lug Yeeshay Soo Ridida Diyaarad Kenya Lahayd Oo Ku Soo Dhacday Soomaaliya

Muqdisho, May 9, 2020 (Haatuf) – Ciidammada Dawladda
Federaalka Itoobiya ka jooga Dalka Soomaalya ee qaybta ah hawl-galka Midowga
Afrika ee AMISOM, ayaa qirtay inay soo rideen diyaarad Toddobaadkii hore ku
dhacday degmada Bardaale ee dalka Soomaaliya.

Diyaaradda oo ay lahayd Shirkadda African Express  oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa waxa ku
dhintay Lix Qof oo laba ka mid ahi Soomaali ahaayeen, waxayna Deegaanka Bardaale
u sidday Agab Caafimaad oo ay ku jiraan waxyaabaha lagaga hor-tago Xanuunka
Covid_19.

War-bixin hor-dhac ah oo ay soo saareen Hawl-galka
Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay inay diyaaradda soo rideen
Ciidammada Itoobiya, kuwaasi oo ka shakiyey in diyaaraddu tahay mid isku
miidaaminaysa Saldhiggooda Baadheere, sidaasi darteedna ay u toogteen.

War-bixinta ayaa lagu sheegay in diyaaraddu intii aan la
toogan aan laga haynin wax macluumaad ah oo sheegaya inay ku soo waajahan tahay
Bardaale, taasina tahay waxa keenay cabsida in Ciidammada oo falal Argagixso ka
baqayaa Toogtaan.

“Diyaaradda waxa toogtay Ciidammadayada…” ayay sheegeen
Ciidammada Itoobiya ee qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM, waxayna ku sababeeyeen
inay uga shakiyeen inay Saldhiggooda isku miidaaminayso.

AMISOM ayaa sheegtay in Burburka diyaaradda laga soo
saaray Meydadka saddex Qof oo Kenyaan ah iyo laba Soomaali.

Warkan waxa daabacay Wargeyska Daily Nation oo ka soo
baxa dalka Kenya.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial