Latest News

Ciidamo Boolis Ah Oo La Wareegay Xarunta Telefishanka STARTV Ee Hargeysa

Hargeysa, June 25, 2020 (Haatuf) – Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa sheegaya in Ciidamo Boolis ahi ay la wareegeen xarunta Telefishanka Madaxabanaan ee StarTv ee Magaalada Hargeysa.

Ciidamada Booliska ee qabsaday xarunta Telefishanka Star ayaa markii ay halkaasi gaadheen waxa ay dibada uga soo saareen shaqaalihii, waxaana warar hordhac ahi ay sheegayaan in Boolisku aanay sidan wax Waaran ama Amar Maxkamadeed ah oo u ogolaanaya inay xidhaan.

Telefishanka Star ayaa ka mid ah Telefishanada ka hawlgala Somaliland, hase yeeshee Ilo wareedo aanu helayno ayaa sheegaya in telefishanka Star iyo Telefishan kale ay diideen inay si toos ah u tabiyaan xuka 26-ka June 1960-kii oo ku beegan 60-guurada markii Somaliland ay xornimada ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 1960-kii.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*