Latest News

Diyaarad Ay Leeyihiin Ciidamada Kenya Oo Shil Ku Gashay Magaalada Dhoobley

Dhoobley, August 4, 2020 (Haatuf) – Diyaarad ay leeyihiin
Ciidamada milatariga Kenya ayaa ku dhacday garoonka diyaaraddaha ee magaalada
Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose Soomaaliya.

Diyaaradaan oo sahay u siday ciidamada Kenya ee ku sugan
saldhiga Dhoobley, ayaa la sheegay inay dhacday markii ay isku diyaarinaysay
inay cagaha dhigato garoonka.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda
ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay.

Ciidanka Kenya wali faahfaahin kama bixin dhacdadaan.
weli Lama oga sababta keentay bururka diyaaradan. 

Soomaaliya shilalka diyaaradaha, ayaa noqday kuwo taxane
ah muddooyinkii ugu dambeeyay.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


Social media & sharing icons powered by UltimatelySocial