Latest News

Farxaan Maxamuud Xasan Oo Ku Eedaysan Inuu Al-Shabaab La Shaqeynayay Oo La Hor Keenay Maxkamadda Ciidamada Somaliia

Muqdisho, September 14, 2020 (HaatufOnline) – Farxaan Maxamuud Xasan ayaa maanta la horkeenay Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kaas oo ku eedaysan in uu la shaqeynayay ururka Al-shabaab, islamarkaana uu maleegayay qorshe lagu dhibaateynayay ciidamada dowladda Somalia ee ka howl-gala Beled Xaawo.  

Eedeysane Farxaan Maxamuud Xasan ayaa waxaa la sheegay inuu hore Al-shabaab uga soo goostay,  balse waxay xeer-ilaalintu qeexeen in isa soo dhiibistiisu aheyd inuu dhibaateeyo ciidamada,  mabda’iisiina uu weli aaminsanyahay sida Maxkamadda uu ka hor sheegay  xeer-ilaaliye  Cabdullaahi Buulle Kameey.

“Waxaan maxkamadda ka codsanayaa in lagu qaado ciqaab u dhiganta dembigiisa’ ayuu mar kale xeer ilaaliye Kameey ka hor sheegay garsoorka maxkamadda.

Ugu dembeyn waxaa dhageysiga kiiska soo xeray garyaqaan Xasan Cali Nuur Shuute oo sheegay in maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada ayaa ku sugan magaalada Beled Xaawo  Gobolka Gedo,  iyadoo maalmihii ugu dembeysay halkaas ku qaadeysay kiisas dhowr ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*